WAR CUSUB: Imaaraadka oo Yaman u ijaartey calooshood u shaqaystayaal siyaasiyiinta khaarajiya

0

(Cadan) 20 Sebt 2020 – Imaaraadka (UAE) ayaa kireystey kumanaan calooshood u shaqaystayaal ah isagoo 450 ka mid ah geeyey dalka Yaman si ay khaarajin heer sare ah uga gaystaan, sida ay sheegeen ururro xuquuqda aadanaha ah sida International Institute for Rights and Development, iyo Rights Radar Foundation.

Waxaa warkan laga sheegay kalfadhiga 45-aad ee Hay’adda Xuquuqul Insaanka ugu qaybsan kulan ka dhacay magaalada Geneva oo lagu sheegay in arrintan laga walaacsan yahay.

Imaaraadka ayaa kireystey calooshood u shaqaystayaal Maraykan ah iyo dalal kale, kuwaasoo howlgallo qorshaysan oo ka dhan ah siyaasiyiin sare ka fulinaya dhowr magaalo ay ay ku jirto Cadan, iyagoo 5-tii sanadood ee lasoo dhaafay halkaa ku khaarajiyey siyaasiyiin daraasiin ah iyo dad caan ah.

Calooshood u shaqaystayaasha Imaaraadka oo gaaraya 30,000 oo askari oo kala socda 4 dal oo Laatiin Ameerika ah, ayaa ugu yaraan 450 ka mid ah loo daabulay Yaman, kaddib markii ay tababareen saraakiil Maraykan ihi.

“In ka badan 80% ka mid ah siyaasiyiinta Yaman, xildhibaannada iyo xirfadleeyda saxaafaddu way ka carareen dalka oo naftooda ayay la baxsadeen markii ay kooxahan u noqdeen bartilmaameed waana arrin ka dhan ah xuquuqda aadanaha.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay QM oo lafteeda loogu baaqay inay tillaabo firfircoon arrintan ka qaaddo.

Hadalsame Media