Talyaaniga oo Turkiga u celiyey agab 1,800 sano jir ah oo ay 23 sanadood ku doodayeen (Maxaa ku qoran?)

0

(Roma) 20 Sebt 2020 – Talyaaniga ayaa Turkiga u celiyey agab taariikhi ah oo u laabanaya waayihii Lycia kaddib sanado badan oo ay socdee doodo dhanka garsoorka ah, sida uu sheegay Danjiraha Turkiga ee Roma.

Agabkan oo ay da’diisu tahay qiyaastii 1,800 sanadood isla markaana sida qoraal muujinaya waalid ka xun xatooyo uu wiilkoodu ku kacay ayaa qaab xatooyo ah Talyaaniga lagu geliyey, waxaana la helay 1997-kii kaddib markii la weeraray halkii lagu hayey.

Danjire Murat Saim Esenli iyo wefdi la socdey ayaa alaabtan taariikhiga ah ka guddoomey Claudio Mauti, oo ah sarkaal Talyaani ah oo ka tirsan Waaxda La Dagaallanka Tahriibinta.

Esenli ayaa sheegay in ay doodda dhanka garsoorku ay socotey muddo 20 sano ka badan, isagoo Talyaaniga ku amaanay inay si wanaagsan u xanaaneeyeen muddadaas, waxaa uu Talyaanigu sidoo kale dheri taariikhi ah Turkiga u celiyey 1991-kii, iyagoo galay heshiis ah inay iska kaashadaan dhanka ilaalinta agabyada dhaqanka.

Maxkamad Talyaani ah ayaa ugu dambayn Nof. 5, 2019-kii, xukuntay in agabkan uu Turkigu leeyahay, iyadoo markaa kaddib la bilaabay geeddi socodka lagu celinayo agabkan oo laga soo qaatay macbadka Apollon Aksyros Temple ee gobolka Manisa ee Turkey.

Hadalsame Media