”Kaalin baad kasoo baxday!” – Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqasho ugu tegey Xasan Cali Khayrre

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2020 – Raysal Wasaarihii hore ee Somalia, Xassan Cali Kheyrre, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay ka wada hadleen xaalladda ugu dambeeya ee arrimaha siyaasadda.

“Sharaf ayay ii ahayd la kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday,” ayuu yiri Khayrre.

”Waxaan uga mahad celiyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo-xileedka cusub ee Dowladda Soomaaliyeed.” ayuu daba dhigay Md Khayrre.

Kheyrre ayaa haatan ah Musharax rasmiyan ugu taagan xilka Madaxweynenimada Somalia doorashada 2021-ka ee soo aaddan, isagoo taa ku dhawaaqay 12-kii bishan Sebtembar.

Hadalsame Media