Xaftar oo xayiraaddii ka qaaday ceelasha shidaalka Libya (Danta uu ka leeyahay?)

0

(Benghazi) 19 Sebt 2020 – Hoggaamiye Kooxeedka Khalifa Haftar oo haysta bariga Libya ayaa shalay ku dhawaaqay in uu qaadayo go’doomin 8-bilood soconeysey oo uu ku hayey dekedaha iyo goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaasi.

“Waxaannu go’aansannay inaan soo celinno saliid soo saaristii iyo dhoofintii anaga oo ku xirney shuruud ah in dakhliga si cadaalad ah loo qaybiyos” isla markaana la damaanad qaado “in aan argagixiso lagu taageeri doonin”, ayuu Xaftar ka yiri TV.

Ciidamada Xaftar oo ay taageerayaan Petroleum Facilities Guard ayaa go’doomiyey goobaha saliidda laga soo saaro ee muhimka ah iyo dekedaha laga dhoofiyaba tan iyo 17-kii Jannaayo ee sanadkan iyagoo dalbanayey in qaybtooda laga siiyo dakhliga saliidda.

Go’doomintaa oo dhashay khasaare dakhli oo gaaraya in ka badan $9.8bilyan oo doollar, sida ay sheegtay Hay’adda Shidaalka Qaranka (NOC), ayaa sidoo kale wax u dhintay shidaalkii maxalliga ahaa iyo korontadii.

Yeelkeede, NOC oo ah hay’adda tamarta Libya ayaa sheegtay inaysan horay ka bilaabi karin soo saarista iyo dhoofinta saliidda ilaa goobaha saliidda laga dhigo kuwo ciidanka ka caaggan.

Xaftar oo dhar ciidan xiran ayaa dhanka kale ku af macaansadey in uu tillaabadan u qaaday inuu “u turo shacabka oo ay nolol xumo soo wajahdey.”

RW Xigeenka GNA, Ahmed Maiteeg, ayaa isna markiiba sheegay in ay soo celinayaan soo saarista saliidda, isla markaana la saarayo guddi cusub oo maarayn doona qaybsiga dakhliga saliidda Libya oo ah dalka haatan leh kaydka saliideed ee ugu badan Afrika.

Hadalsame Media