Waa kuma Raysal Wasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble?

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2020 – MW Somalia ayaa xalay RW u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble oo bedelaya Xasan Cali Khayrre oo xilka iskaga tegey 25-kii Luulyo.Ra’iisul Wasaaraha cusubi waa konton iyo todobo (57) sano jir aan waayo aragnimo dowladdeed iyo sooyaal siyaasadeed laheyn. Horey xil siyaasadeed iyo mid heer sare ah uma uusan qaban.

Aqoon ahaan waa Injineer Bey’ada iyo Badqabka Kaabayaasha Dhaqaalaha (waddooyinka) bartay. Mogadishu iyo Stockholm, ayuu wax ku bartay. Waa qurbo joog, muddo Sweden, deganaa. Waa xaasle shan (5) caruur u joogto.

Hadda inta aan xilka loo magacaabin Baanka Horumarinta Germany ee KFW, ayuu la taliye farsamo u ahaa. KFW, oo mashaariic horumarineed ka wada Mogadishu, Kismaayo iyo Baydhabo, ayuu mashruuca Baydhaba ka ahaa ‘‘Technical Advisor’’.

Sanadkaan March 2020 ayuu la shaqo bilaabay KFW. Waa muddo shaqo lix (6) bil ka yar.

Horey Qaramada Midoobay, ayuu ula soo shaqeeyey. Isugeyn waayo aragnimo shaqo oo kow iyo toban (11) sano ku siman ayuu leeyahay.

International Labour Organization (ILO) iyo UNDP, ayuu midna (1) sano, midna toban (10) sano ah la shaqeeyey, sida ay isugu xigaan.

Darajo ahaan heer iyo xil aad u hooseeya ayuu labada (2) xafiis ee Qaramada Midoobay, ka qabtay.

‘‘Technical Advisor’’ ayuu UNDP, ka ahaa Mashruuca JPLG ee dowladaha hoose iyo horumarinta minishiibiyada. Toban (10) sano oo xidhiid ah ayuu xilkaas hayey. La taliye farsamo oo darajadiisa mushaar (P3) tahay ayuu ahaa

Qaramada Midoobay shaqooyinku waa shan (5) heer oo laba heer aad u hooseeyaan. Heerka ugu hooseeya ayuu darajada (P3) todonkaas (10) sano joogay.

Saddexda (3) heer ee Qaramada Midoobay macnaha ka leh waa National Officers, Field Service iyo Senior Appointments (Secretary General, Deputy Secretary General, Under Secretary General and Assistant Secretary General).

Dadka yaqaan Rooble, ayaa iigu sheegay, ‘‘shaqsi nadiif ah, af gaaban, aadna ugu dhago nugul madaxdiisa’’. Waloow ay hadda hor taallo mashaqo doorasho, faro marnaan dhaqaale, amni xumo baahsan iyo siyaasad aan xad iyo xarig lahayn.

W/D: Mahad Geelle

Hadalsame Media