Wiilka Cadaado lagu qabtay oo keenay su’aalo ka badan kuwa uu ka jawaabey (Arag su’aalaha)

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2020 – Bakaaro aa ku ballannay, Hotel waa ka weynay, Trepiano aa soo aadnay, qolka markaa galnay wiil ila socday aa qado noo doon dhahay, anna musqul aa galay, waxaa musqusha ku galay kabaheeda, markaa soo baxayna waa waayay, illaa hoos aa tagay, telfoonkeeda aa wacay SIIDA la ii taabtay!.

Bakaaro Hotel waa balli balli sidee looga weyn karaa?.

Wiilka la socday ee qadada doonay intuu ka yimid, Bakaaro iyo Trepiano dhexdooda muu Bajajta kasoo qabsaday?, BL miyaa Bajaajta?!.

Markuu kabaheeda ku galaayo Musqusha isaga kabo ma wadan miyaa?, Hotelka kabo musqul lagu galo ma yaallaan miyaa?, gabadhuse Dacas mey kusoo aadday ballanta saaxiibkeed?!.

Isbuuc dad is yaqaanno ballanta noocaan ah iyo kalsoonida cirka mey uga soo dhacday?, mise inta qasteen ay qurquriyeen?!.

Markuu leeyahay Telfoonkeedaa wacay SIIDAA la ii taabtay siduu telfoon shan Piano ka kor kasoo dhacay usii daarnaa karaa?, soo iyada uun ma wadan telka markuu Hotelka keenayay, yaa SIIDA u taabtay?.

Maxaa Cadaado ka riday hadduusan dambi isku ogeyn, oo uu isbitaalka u tagi waayay, gabadha xaaladdeeda u xaqiijin waayay, murugo iyo qoomamo u muujin waayay, si fududna wax walba ugu sheegi waayay Booliska?!.

Ma fahmin sheekada, ma fadhiyo wareysiga, mana foga runta.

Allow sahal amuuraha.

W/Q:- Nuune Ali Hassan

Hadalsame Media