(Muqdisho) 17 Sebt 2020 – RW hore ee Xasan Cali Khayrre ayaa si taxaddar leh usoo dhoweeyey heshiiskii ay maanta doorashada 2021 ka gaareen DF Somalia iyo madaxda maamullada dalku.
Khayrre ayaa ka digey in wax muddo kordhin ah la sameeyo isagoo ku baaqay in heshiiska loo fuliyo sidiisa.
”Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin,” ayuu yiri Khayrre.
”Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka.” ayuu daba dhigay.
Khayrre ayaa 5 maalmood uun kahor ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka Madaxtooyada dalka, isagoo xilka iskaga tegey 25-kii bishii Luulyo.
Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka
— Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) September 17, 2020
Hadalsame Media