Haddii danta dalka & dadka laga hadlayo wax waynba la iskuma diideen

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2020 – Markaan eegay Shirka maalmahaan Muqdisho ka socday oo ilaa caawa leysku hor fadhiyo oo mustaqbal keenii lagu dul murmayo, balse nalookugu sheegay in danaha dalka ay 6-da Oday oo uu xalay ku soo ku soo biiray Odaygii 7-aad ku lafa gurayaan, Aniga waxaa ii soo baxday in waxa leysku hayo aaney aheyn dan Soomaaliyeed, balse waxa lagu gorgortamayo ay yihiin dano gaar ah iyo in Nin walba isaga dantiisa loo fuliyo hadii kale aaney wax soconeyn.

Waa gartood iney Odayaashu sidaas sameeyaan oo danahooda ku murmaan waayoo mid walba inta joogta iyo inta ka maqanba dad ayaa meelo ugu kala xareysan sida xoolihii, waxeyna og yihiin hadii laga xanaajiyo iney la xanaaqayaan, hadii laga farxiyo oo dantooda farqaha loogu kala shubana iney la farxayaan….YAAB.

Mararka qaarkood waxaan arkaa dad isweydiinaya,horta Wiilashaan isqarxiya xagee Alshabaab ugu xareysan yihiin? Show Annaguba ismaba ogine Niman aan na aqoon baan meelo ugu kala xareysan nahay oo aan weliba danahooda marna ugu sacbinaa markalena ugu xiiqnaa difaacooda.

Markaas ayay kaaga darane maalinta dambe ee ay naga xooleystaana cidlo nooga dhaqaaqaan, halkaas markeey taagan tahay inta uu ilaaheey danteena guud ina wada garan siinayo Maryooleey leysma dhaamee yaan leysku diimin.

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA.!!

Canaantaas kaddib, kolleey wax ku qaadan meysaane, Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu Odayaashaas dhexdooda wax kheyr leh oo Soomaali dan u ah ka soo saaro.Aamiin.

Maxaa yaab isdabayaal!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa ra’yiga qofka ku saxiixan.

Hadalsame Media