DHACDO MURUGO LEH: Shan macallin Qur’aan oo lagu diley Degmada Cadale & magacyadooda

0

(Cadale) 17 Sebt 2020 – Wararka ka imanaya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya arrin murugo badan leh.

Waxaa nasoo gaaraysa in 5 macalin Qur’aan halkaa lagu diley, iyaga oo xiligaas uu ku jiray Subac ama Qur’aan akhris aroornimadii hore ee saaka.

Dabley hubeysan oo aan weli la aqoonsan cida ay ka tirsan yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay dilka gaysteen iyagoo deetana ka baxsaday goobtii shilka.

Halkan ka akhri MAGACYADA, oo ay weliba kujiraan labo wadaad oo walaalo ah.

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalim Maxamuud Canbuure

3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli

Macallimiinta ayaa Subaca Qur’aanka bilaabay Salaada subax kahor, waxaana la sheegay inay dableeyda oo uu ujeedkoodu ahaa inay dadkan laayaan ay soo weerareen.

Hadalsame Media