”Car saldhig siiya Israel!” – Iiraan oo digniin u dirtay dalalka Imaaraadka & Baxrayn!

0

(Tehraan) 17 Sebt 2020 – MW Iiraan, Hassan Rouhani, ayaa soo jeediyey in Imaaraaadka iyo Baxrayn ay iyagu qaadi doonaan mas’uuliyadda  “cawaaqibka” ka dhasha xiriirka ay la yeesheen cidda ay Tehraan coltamaan ee Israel.

Warka Rouhani ayaa imanaya 2 maalmood uun kaddib markii ay RW Israeli ee Benjamin Netanyahu iyo Wasiirro Dibadadeedyada Baxrayn iyo Imaaraadku ay heshiis ku kala saxiixdeen Aqalka Cad oo ah midka howshan riixaya.

Rouhani oo Golihiisa Wasiirrada la hadlayey ayaa sheegay in Israel ay “maalin kasta dembi ka gasho Falastiin” balse dalalka qaar ay “dadku yihiin Muslimiin Alle ka baqaya balse madaxdu ay yihiin kuwo ama aan diinta fahamsanayn amaba aan doonayne”, sida uu yiri.

“Sidee u salaami kartaan Israel ee aad weliba saldhigyo gobolka uga siin kartaan? Cawaaqib kasta oo arrintan ka dhasha adinkaa qaadaya.” ayuu ku gooddiyey.

Hadalsame Media