”Waa in KIIMIKO lagu dhufaanaa nimanka wax kufsanaya” – RW Pakistan oo ka hadlay kiiska hooyo ilmeheedii lagu hor kufsaday (Meesha uu shilku ka dhacay macquul ma aha)

0

(Lahore) 16 Sebt 2020 – RW Pakistan ee Imran Khan ayaa ku baaqay in la daldalo ama kiimiko lagu dhufaano dadka wax kufsada kaddib markii lasoo qabtay ninkii 2-aad ee ku eedaysan gabar lagu kufsaday jid wayn oo ku yaalla gobolka Punjab todobaadkii tegey.

Haweenayda ayaa la sheegay in lagu hor kufsaday carruurteeda kaddib markii uu gaarigeedu ku shidaal goostay jidka dhexdiisa meel aan ka fogayn magaalada Lahore.

Shilkan foolxumada leh ayaa dhaliyey dibed baxyo fara badan oo ka dhacay magaalooyinka waawayn ee dalkaasi oo ay ku jiraan caasimadda Islamabad iyo Karachi, kuwaasoo aad u cambaareeyey falkan foosha xun.

“Waa in kufsadayaasha tusaale looga dhigaa umadda. Sidaan qabo waa in laga soo lalmiyaa goobaha ay dadwaynuhu ku kulmaan sida isgoysyada,” ayuu yiri Khan.

“Waxaan qabaa in kufsiga laga dhigo dil heerka 1-aad ah kaddibna kiimiko lagu dhufaano si aysan ninnimo dambe u yeelanin.” ayuu daba dhigay.

Shilkan oo dhacay Khamiistii hore, waxaa ilaa haatan loosoo xirey dad gaaraya 15 qofood.

Dad badan ayaa la yaabban sida uu jid Highway ah oo la wada marayo uu fal noocan ihi uga dhici karo.

Hadalsame Media