CANDHARKA JAAMACADDA CARABTA: Sidee ayay boqortooyinka Carabtu bilowgiiba dhagarta wax uga maleegeen? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2020 – Midnimada Carbeed – Qabsashadii British-ka ee Suuriya iyo Lubnaan waxay tillaabo asaasi ah u ahayd qorshihiisa. Waxaa arriintan bilowgii wax ka ogaa Amiirkii Haashimiga  Transjordan, Amir Abdullah. Akhri qaybtii 1-aad…

Abdullah ayaa maanka ku hayey ballan qaad ahaa in laga dhigo Boqorka Suuriyada Wayn tan iyo Dagaalkii 1-aad wuxuuna quud darraynayey in qorshaha gumaysi ee cusub ee Britain uu hamiggiisa ka dhex heli doono.

Taasi se ma dhicin; si kastaba, wuxuu heshiis la galay Sahyuuniyiinta si uu u qaato bartamaha iyo bariga Falastiin 1948-kii, taasoo uu boqor iskii ah ka sheegtay ama isu caleemo saaray.

Suuriyiinta iyo Lubnaaniyiintu waxay la dhacsanaayeen nidaamka Jamhuuriga ah oo iyagu boqortooyo ma doonayn. Dhanka kale marka la eego coltanka taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Haashimiyiinta iyo reer Aala Sucuud ayaa ka dhignaa in kuwa dambe ay ka hor yimaadeen qorshihii Abdullah; Boqor Faaruuqii Masar wuxuu isna ka walaacsanaa muwaafaqada iyo saamaynta Haashimiyiinta iyo Ciraaq, isagoo sidoo kalena xarash u hayey reer Sacuud oo ay Masar dagaal la gashay qarnigii 19-aad.

Wuxuu Faaruuq ku adkaystay in Masar hoggaanka u qabato midnimada Carbeed ee soo muuqata, waloow aanu ka war qabin inay tahay madadaalo Ingiriis.

Sidaa darteed, waxaa dhabarka laga tuuray midnimo la doonayey inay wada galaan Suuriyada Wayn iyo Ciraaq. Xitaa waxaa la diidey nooc federaal ah oo ay dowladuhu ku midoobaan, taasoo ay halis u arkayeen boqortooyinkii Carbeed ee xilligaas, si la mid ah sida maantaba.

Suuriya oo qura ayaa midnimada taageertay. Shir ka dhacay Alexandria, oo waafaqsanaa qorshaha UK ayaa waxaa lagu diyaariyey hab-raac asaas ahaa Oktoobar 1944-kii, kaasoo markii dambe u xuub siibtey heshiiskii markii dambe lagu asaasay Jaamacadda Carabta bishii Maarso 1945-kii.

Sucuudiga, Masar, Suuriya, Lubnaan, Transjordan iyo Yemen ayaa ahaa dalalkii lagu asaasay, waxaa sidoo kale ka mid ahayd Falastiin oo uu metelayey hoggaamiyohoodii xilligaas Musa al-‘Alami.

Waxaa qodob heshiiska ka mid ahayd ku dhignayd in “ujeedka JC loo dhisay uu yahay inuu dowladaha Carbeed isu dhoweeyo isla markaana uu isku xiro siyaasaddooda, si loo ilaaliyo xornimadooda…”

La soco qayb kale….

Waxaa Qoray: Joseph Massad

Waa Bare-sare (Professor) Siyaasadda Casrigan ee Carabta iyo Taariikhda ka dhiga Columbia University in New York.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media