”Aan runta isu sheegno Turki ka guulaysan mayno!” – Siyaasi Giriig ah oo ka digey hindise ay keentay gabar la dhalatay RW dalkaas

0

(Athens) 16 Sebt 2020 – Xildhibaan Giriig ah ayaa ka digey in dalkiisu uu waayi doono jasiiradda Kastellorizo (Megisti-Meis) haddii uu dalkiisu doodda Turkiga kala dhexeeysa uu la tago Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ee Hague.

Dimitris Kammenos, oo ka tirsan Baarlamanka Giriigga xubinna ka ah Xisbiga Independent Greeks (ANEL) oo metela gobolka Piraeus B, ayaa wuxuu barnaamij toos ahaa oo ka baxay Skai TV u sheegay in siyaasiyiinta Giriiggu ay shacabkooda runta u sheegaan.

Wuxuu iftiimiyey in Giriiggu uu waayo doono Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah (EEZ) ee Jasiiradda Kastellorizo haddii ay Dowladda Guriiggu raacdo talada gabadha la dhalatay RW Kyriakos Mitsotakis ee Dora Bakoyannis ee ah in arrinta la hor geeyo Maxkamadda Hague.

“Lama qabo aragtidaas. Waa inaan dadka u sheegnaa inaan sidaa ku waayi doonno jasiiradda Megisti,” ayuu yiri Kammenos, isagoo sheegay in shacabka khiyaali laga dhaadhiciyey oo aysan xaqiiqada la socon, gaar ahaan haddii la isla aado ICC.

Turkiga ayaa todobaadkan ciidamadiisa badda iyo markabkii sahanka ka wadeyba kala soo baxay Bariga Badda Dhexe, isagoo marar badan sheegay inuu ogol yahay in laga wada hadlo arrinta la isku hayo, waloow aanu Giriiggu haysanin qiil sharci ah marka la eego Xeer Badeedka caalamiga ah.

Hadalsame Media