Siyaasi DF iyo hay’adaha garsoorka ku eedeeyey inay gacan bidxaynayaan arrinta xasaasiga ee kufsiga Xamar ka dhacay

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2020 – Qoraalkaan hoose ayuu bartiisa soo dhigay Xil. Cabdiraxmaan Odawaa soo dhigey Bartiisa

Magaalada Muqdisho isbuucan waxaa ka dhacay fal arxan daro ah, oo isugu jira kufsi iyo dil, falkaas oo ah mid ka baxsan hidaha iyo dhaqanka suuban ee bulshadeena.
Falkaas waxaa lagula kacay gabar soomaaliyeed, oo ahayd ardayad ka qalin badalatay waxbarashada Dugsiga sare, imtixaankii ay Wasaaradda waxbarashadu qaaday sanad dugsiyeedkaanna qayb ka ahayd, waalidkeedna ay dadaal badan ku bixiyeen korinteeda iyo waxbaristeeda.

Sanadahaan falalka la xariira kufsiga ee ka dhanka ah haweenkeena, aad ayeey u kordhayeen, si looga hortago waxaan u baahanahay iskaashi dhexmara bulshada qaybaheeda iyo dawladda, cid kastana kiilinteeda buuxiso.

Arrinta la yaabka leh waa in dawladda uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo aanay ka hadal ilaa iyo hadda qadiyadaan, Booliska iyo Xafiiska xeerilaalinta oo ah hay’adaha qaabilsan baarista qadiyadaan ilaa iyo hadda xog ku saabsan arriinkaan bulshada lama wadaagin, taas oo ka horimanaysa qodobka 32, ee dastuurka.

Sidaas si la mid ah Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadnaha kaalnteeda ma muuqato, mana gudan kaalinti kaga aadanayd Guddiga Madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, oo xeerki lagu dhisi lahaa la ansixiyay 2016. Taas oo muujinaysa in gaabis iyo mas’uuliyad daro baahsan oo dhanka dawadda ah in uu jiro.

Kufsiga waa fal ka baxsan xuquuqda aadanaha, kana soo horjeeda dhaqanka, akhlaaqda iyo hab dhaqanka suuban ee diinteenu fartay. Sidaas darteed waa in uu noqdaa qadiyad aan si wayn uga dhiidhino dhamaanteen.

Waajibka nasaaran waa inaan muujinaa sida aan uga xunahay kufsiga iyo dilka Xamdi lagula kacay, kana kawada shaqeeyno sidii ay Xamdi caddaald u hali lahayd, una hiilino haweenka soomaaliyeed, dadaalna ku bixino in arxan laawayaasha falkaas foosha xun ku kacay ay ciqaabta ay mudan yihiin helaan.

Taliyaha booliska , Xeerilaalinta iyo dhamaan Hay’adaha qaabilsan baarista waa in ay gutaan waajibka qaran ee saaran, si dagdag ahna cadaaladda u hor keenaan kuwii falkaas gaystay, lana marsiiyo mudankooda.

Waxaa Qoray: Xil. Cabdiraxmaan Odawaa

Hadalsame Media