Shirka Madaxtooyada & Maamullada oo maalintii 2-aad galay (Qodobbada isku qataaran)

0

(Muqdisho) 14 Sebt 2020 – Waxaa maalintii 2-aad Muqdisho ka socda shirka Madaxtooyada iyo Maamullada oo shalay halkaa ka furmay, waxaana la filayaa in doodda qodobbada ugu adag la gelayo iminka.

Guntinta ugu wayn ee furisteedu adkaan doonto ayaa la filayaa inay noqoto sida loola xaalayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 kaasoo saxiixeen Madaxweynaha DF iyo madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waloow ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland oo iyada la olog ah.

Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in maamullada Puntland iyo Jubaland ay hollinayaan in gebi ahaanba la xooro shirkaasi iyo qodobbadii kasoo baxay, ama ugu yaraan qaar badan la maduufikeeyo, sida qodobka dhigaya in tirada ergada laga dhigo 301, in la taabto awoodda loo igmaday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, in la farageliyo qodobka dhigaya samaynta afar degaan doorasho, xisbiyada, wareejinta ama xawilaadda degaan doorashada haddii ay amaan darro jirto iwm, kuwaasoo ka dhigan qodobaddii xulka ahaa ee Dhuusamareeb 3.

Arrintan ayaan sahlanayn, waayo MW Farmaajo oo hadda isku koobay awooddii DF, maadaama aanay shirka fadhin Guddoonnaddii Baarlamanka (Labada Aqal) isla markaana RW la tuuray ayaa ciyaari kara licbad siyaasadeed isaga oo qodobbada qaar ka hari kara balse kuwo kale keensan kara.

Dhanka kale, Madaxtooyada ayaa aragtideeda ku hirgelinaysa Maamulladii ka qayb galay shirkii Dhuusamareeb 3, kuwaasoo ku adkaysanaya in aan far la saarin heshiiskaasi, waloow aysan arrintaa si rasmi ah weli u caddaynin.

Waxaa sidoo kale jirta arrinta muddo kororsiga madaxtooyada oo aan meesha ka marnayn, isla markaana haddii la isku soo qaado aan weli si cad loo ogayn mawaaqifta ay madaxdu ka kala taagan yihiin qodobkaasi oo la fahamsan yahay inuu yahay midka sababta u ahaa ridistii xukuumadda.

Hadalsame Media