Maxaa iiga baxay fal-celinta laga bixiyey musharraxnimada Khayrre (Fasiraadda micnaha ”ninkii 7-da daqiiqo lagu ridey”)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2020 – Xasan Cali Kheyrre markii uu cadeeyay Mowqafkiisa Ku Aadan Musharaxnimada Xilka Madaxtinimo, waxaan xalay iyo saaka isha ku hayay fal celinta shacabka, waxaana iisoo baxday sidaan:

Tan koowaad Khayrre waa nin saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya aadna loo hadal hayo sheeko walba oo isaga khusaysa, waxaa jira dadka qaar oo ka Carooday musharaxnimadiisa kuwaasoo u badan laba qaybood, qayb intuu talada hayay Ka waayay maslaxadooda gaarka ah iyo qayb labaad oo diidan Saamayntiisa in ay meesha ka saarto doonistooda ninka iyaga wataan ama ku haybta ah.

Dacaayadihii ugu badnaa ee laga faafiyay waxay ahayd “ninka xilkiisa ku waayay 7 daqiiqo “taasoo ku tusinaysa in Soomaalidu u haystaan xilka mid qofku isaga leeyahay, muxuu u dagaalami waayay?

Sadax sano iyo bar ayuu xil hayay Markaas ayaa xilka looga qaaday Daqiiqado, eraygaan dambe waxaa ku hoos jirta muxuu Sadaxdii sanno & barkii uu xilka hayey u aruursan waayay xoolo uu isku difaaco una qaybiyo xildhibaanada si ay u difaacaan! War layskuma hayayo, isaguna waxa uu la dagaalamayo ayaaba taas ah in Xoolaha Qaranka loo isticmaalo dan shaqsi, Waana musuqa ugu wayn ee curyaamiyay dowladnimadeena.

Marna lagama fikirayo Dhibaatada kadhalan lahayd isku dhejin kursi & dagaal khayre ugalo kursi ama xil ummad udhiibatay, waxaa cagta lamarin lahaa kista kujirta bankiga dhaxe iyadoo labada dhinacba ku laaluushayaan xildhibaanada xasarad doonka ah.

Taasina waxaa ka dhalan lahayd in mushaar loo waayo shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo ciidamadda qaranka, xaqoodiina Lagu shubo jeebabka xildhibaanada xasarad doonka ah, waa fashil ku imaan lahaa dowladnimadii iyo Dhibkii lagasoo maray in laga gudbo caqabadaha noocaas ah, ma samayn ficil ka mid ficilladii Kursi u dirirka & danaha shakhsiga, waxa uu diiday in uu dib u dumiyo wanaaggii uu soo qabtay, dhanka ciidanka & kobcinta dowlad wanaagga.

Siyaasadda Soomaaliya waxaa aad ugu xididdaystay suuq lagu kala iibsado mustaqbalka dalka, Nin walbana inta uu xilka hayo waxa uu kaydsadaa xoolo uu isku difaaco kuna difaacdo kursigiisa hadii laysku dayo in lagu qabsado.

Tan lagu haysto Khayrrana waa taas, waa in uusan siyaasi ahayn, maadaama uu xoolo aruursan waayay intuu xilka hayay si uu ugu qaybiyo xildhibaannadi xilkiisa difaaci lahaa marka lasoo weeraro, halka Khayrre aaminsanaa in xilku uusan isaga lahayn ee bulshada Soomaliyeed leedahay, mana mudna in xil dartii loo xado xoolaha shacabka si loo difaacdo xil kawada dhaxeeya ummadda oo laysa siiyo.

Aduunka ninka xilkiisa ka tanaasula oo aan dagaal iyo fowdo ku kicin waa laga xushmeeyaa, halka Soomaaliya loo yaqaan doqon! Ilayn waa meel Xoogga iyo Xatooyada sharaf loo haysto e.

7 daqiiqo see xil looga qaaday? Muu dabajeexyo daarta la fuulo? Muu Toboneeyo Xildhibaan doollar u qaybsho? Muu diidoo dagaallamo? Siyaasiga saxda ah ayaan u naqaan intaas ninka laga helo, Khayrrana Waa siyaasi aan taas u aqoon siyaasad.

LABA KALA BARIDAY KALA WAR LA’

Waxaa Qoray: Mubaarik Cabdi Khaliil

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media