Arrin lala yaabban yahay oo kasoo korortay kiiskii kufsiga & dilka ahaa ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2020 – Waxaa soo korortay arrin yaab leh kaddib markii amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir lagu sii daayey labo gabdhood oo kamid ahaa dadkii loo xiray kiiskii kufsiga iyo dilka ee loo geestay Xamdi Maxamed Faarax.

Maadaama uu kiisku weli cusub yahay isla markaana aanu booliisku war kasoo saarin baarista ama aan xitaa kiisku maxkamad gaarin, haddii uu gaarana aan la helin waqti ku haboon oo lagu baari karo kiiska go’aanna looga gaari karo.

Waxaa sidoo kale dheer in aan maxmaddu sheegin sabab sharci ah oo ay go’aankeeda u cuskatay, balse waxaa taa biddaalkeeda meesha ku qoran amar qallalan uun, taasoo dileeysa maqaamka sharciga.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inay socdaan dadaallo ay wadaan masuuliyiin dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ay ku doonayaan in xabsiga uga sii daayaan afar nin oo oo kale oo kiiskan naxariis darrada ah ah u xiran.

Kiiskan ayay qoyska gabadha sida xun loo dilay iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxa ay codsanayaan in ay helaan cadaalad lana marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin dadkii ka dambeeyay falka argagaxa leh ee lagula kacay Xamdi Maxamed.

Hadalsame Media