Saacaddii Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo lagu bedeley mid dhijitaal ah oo doorar badan + Sawirro

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2020 – Waxaa haatan dib loo dayactiray saacaddii waynayd ee Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo iminka laga dhigay mid dhijitaal ah.

Saacadda oo markii hore ahayd mid makaanikaal ahayd oo analog ah ayaa haatan loo bedeley shaashad wayn oo dhijitaal ah oo soo bandhigaysa saacad iyo muuqaallo kale oo kala geddisan.

Saacaddan ayaa waxaa imaansheheeda dib u dhigay xannibaadaha cudurka Covid-19 ayaa lasoo dejiyey 26-kii bishii Agoosto, iyadoo lagu wadey in ay garoonka ku xirnaato kahor bishii Luulyo ee hore, waxaana haatan ugu dambayn la dhamaystiray rakibaaddeeda iyadoo qayb ka ah dayactirka iyo soo celinta Garoonka wayn ee Istaadiyo Muqdisho.

Garoonkan ayay 70-meeyadii Shiinuhu ku dhiseen mashaariic qayb ka ahayd abaalmarin ay Shiinuhu siinayeen Somalia oo ka mid ahayd dalalkii ku taageeray inay ku biiraan QM, iyadoo ay horay kursigaas ugu fadhin jirtey Taiwan oo horay u sheegan jirtey inay Shiinaha oo dhan iyadu xukunto.

Halkan hoose ka daawo sawirrada….

Hadalsame Media