Rag ka tirsan Sirdoonka Mossad oo lagu qabtay Lubnaan (Shaki ku saabsan qaraxii Beyruut)

0

(Beyruut) 12 Sebt 2020 – Koox qarsoodi ah oo isku magacowday Dhaqdhaqaaqa Xorriyadda ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan laba basaas oo ka tirsan Sirdoonka Israel ee Mossad oo ka qaraabanaya dalka Lubnaan, sida lagu dhigay Aliwaa.

Intel Sky ayaa Twitter-kiisa ku baahiyey muuqaal ay ku jiraan dad sheegaya inay “qabteen 2 sarkaal oo ka tirsan Mossad, iyagoo ku gooddiyey in ay Netanyahu ka bili doonaan!”.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa nin da’ dhexaad ah oo isku sheegay David Benn Rosie iyo inuu yahay basaas u shaqeeya Moddad, nin kale oo aan haybtiisa la sheegin iyo qof 3-aad oo goobaabin iyo calaamad su’aal la geliyey, taasoo ka dhigan in qof 3-aadna bilowgii la qabtay.

Waxaa muuqaalka lagu soo afjarayaa sawirka RW Benjamin Netanyahu, oo la raaciyey kabshan u akhrismaya “waa lagaa bili doonaa” oo ku qoran afafka Carabiga iyo Cibraaniga.

Waxaa horay u jirey kooxo ay ka mid yihiin Palestine Top Secret Facebook oo sheegay in David Ben Rousie uu yahay saynisyahan Israeli ah oo ku xeel dheer kiimikada batroolka (petrochemicals), lamana oga inay Israel wax ka ogtahay qaraxii Dekedda Beyruut.

Dowladda Israel ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan.

Hadalsame Media