Imaaraadka oo caddaystay inuu yahay caqabadda uu la dhaqaaqi la’yahay shirka DF & Maamullada

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2020 – Waxaa maalmahan Xamar jooga dhamaanba maamullada ka jira koonfurta Somalia, kuwaasoo horay u dalbaday in laga talo geliyo moodalka doorashada, balse kaddib bilaabay inay turaanturrooyin kala duwan u dhigaan heshiis la gaaro.

Waloow Madaxtooyada lagu dhaliilay han iyo hoggaan xumo kaddib markii ay caddaatay inay doonayso muddo kororsi keenay inuu kala dhantaalmo midnimadii madaxdii soo waddey XF kaddib markii la ridey RW Khayrre taasoo sida muuqata si wayn u wiiqday qiyamkii iyo sharciyaddii DF, misna waxaa cad in maamullada qaarkood ay ku shaqaynayaan ajende shisheeye oo halis ku ah dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxda Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo sida lagu eedeeyo ku shaqeeynaya ajendayaal ay maalgelinayaan Imaaraadka sidoo kalena ay dano qaran ku fushanayso Kenya ayaa qaaddacay shirkii Dhuusamareeb 3, iyagoo markii ay Xamar yimaadeenna lasoo baxay siyaasad ku dhisan ila meerayso.

Waxaa sidoo kale Arbacadii Muqdisho gaarey madaxda maamullada Galmudug, KG Somalia iyo Hirshabeelle, kuwaasoo shir ay Baydhabo ku yeesheen aan kasoo saarin wax mowqif ah oo micne leh.

Yeelkeede, Imaaraadka oo awalba lagu xamanayey inuu shirkan xagal daacintiisa lacago ku bixinayo ayaa la sheegayaa inuu deg deg ugu yeerey MW Galmugud Md Qoor Qoor oo si halhaleel ah ugu duulay magaalada Nairobi, halkaasoo uu kula kulmay Madaxda Sirdoonka Imaaraadka ugu qaybsan Bariga Afrika.

Waxaa Qoorqoor uu la kulmay Saraakiil uu horkacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah Sii Hayaha Safiirka  Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, iyadoo uu xiriirinayo nin ganacsade ah.

Tillaabadan ayaa loo arkay mid ka mid ah taatikooyinka lagu xagal daacinayo shirka Muqdisho oo aan weli dhinacna u dhaqaaqin, tiiyoo ay madaxda qaarkood halkaa 10 maalmood joogaan.

Madaxda maamullada oo waloow ay leeyihiin Baarlamano iyo Gole Wasiirro magac u yaal ah, misna waxay ka siman yihiin inay jeebka ku qaataan magaca maamulka kaddib iska qaataan go’aan kasta oo ay dantooda ka dhex arkaan, taasoo ragaadinaysa dowlad dhisidda Somalia.

”Halkii aan doono ayaan maamulkayga la aadayaa, halkii aan doono ayaana xoolo u raadsanayaa.” ayuu si cad hadda kahor u yiri Axmed Madoobe oo ah MW Jubbaland.

Imaaraadka Carabta ayaan ahayn dal wax wanaagsan u wada Somalia, isagoo sanadihii dambe caan ku noqday burburinta iyo qaybinta dalal badan oo Muslim ah, iyadoo dalalka uu haatan qaybintooda ka shaqaynayo ay ka mid yihiin Somalia, Libya, Suuriya iyo Yaman.

Hadalsame Media