Booliiska oo sheegay in ay qabteen dad ku eedaysan kufsiga & dilka gabadhii dabaqa laga tuuray (Arrin muhim ah oo aan la hubin in la sameeyey kahor aasiddeeda)

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2020 – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah la tuhunsanayaasha ku eedeeysan kufsigii iyo dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay gabar dhallinyaro ah oo inta la kufsaday dabaq laga tuuray.

Xamdi Maxamed Faarax oo dhowaan ka qalin jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in kufsi wadareed lagula kacay kahor intii aan laga tuurin dabaq dheer, iyadoo aan la ogayn in ay dhinsanayd markii la tuurayey iyo in iyada oo nool la tuuray, balse waxaa la hadal hayaa inuu dagay wiil ay la sheekaysan jirtey oo u agaasimey falkan arxan darrada ah.

Booliiska ayaa la sheegay inay markiiba baaris bilaabeen, waxaana haatan hadlay Sadiiq Aadan Cali oo u hadlay Ciidanka Booliska oo xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen ilaa 4 qofood oo loo haysto kufsiga iyo dilka gabadha.

Afhayeenkan u hadlay Booliiska ayaa tibaaxay in ay haatan weli baarista sii wadayaan isagoo ballan qaaday inay bulshada la wadaagayaan wixii uga soo baxa.

Xamadi oo ku noolayd Xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile oo dhinaca ku haysa Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa isla saakayba lagu duugey Degmada Dayniile, lamana oga in DNA laga qaaday raadadka kufsiga loo gaystey iyo in kale, taasoo sahlaysa raad raaca rag-xumayaasha la raadinayo.

Hadalsame Media

Facebook Comments