Arrin naxdin badan oo Muqdisho ka dhacday kaddib markii gabar dhallinyaro ah….

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay gabar dhallinyaro oo la sheegay in kufsi wadareed loo gaystey kaddibna la diley.

Gabadhan oo dhowaan dugsiga sare dhamaysay ayaa ayaa lagu warramayaa in ay dhowr dhallinyaro ihi kufsadeen kaddibna ka tuureen guri dabaq ah.

Weli ma jirto xog sheegaysa wax dabagal ah oo lagu hayo dadka falkan gaystey iyo in ay jirto qof loo qabtay falkan insaaniyadda ka baxsan.

Nidaamka jilicsan, mowqifka khaldan ee bulshada, wacyiga hooseeya iyo cadaalad bulsho oo aan jirin ayaa badiyaa dhalisa in dambiilayaashu la fakadaan falalka noocan oo kale ah.

Hadalsame Media