Sheeko khadka telefoonka ku dhexmartay Gattuso & Sandro Tonali oo la kashifay

0

(Milano) 10 Sebt 2020 – Mar uu la hadlayey hilinka Sky Sport, Peppe Di Stefano ayaa kashifay wada hadal dhanka telefoonka ku dhex maray laacibka shalay ku biiray AC Milan ee Sandro Tonali iyo Gennaro Gattuso oo uu lambarkiisa qaatay, isla markaana sare u eego.

Tonali oo lagu sheego in baxaalli ahaan ay kubaddiisu ka kooban tahay hal barax ka samaysan middii Gennaro Gattuso iyo tii Pirlo ayaa yiri:

“Haye Mudane, ma qaadan karaa lambarka 8-aad?” Gattuso ayaa qoslay, kaddibna yiri: ”Ma aha inaad i waydiiso, balse waa ishaaro wanaagsan, maxaa yeelay aniguba waxaan lambarkan waydiistey Roberto Donadoni,”

”Aniga ahaan waaba iga adag tahay, balse waxaan kugula talinayaa inaad taxaddarto, waayo maaliyadda Milan waa mid culus oo sharfan. Waxaan kugula talinayaa inaad wax ka dhegeysato dadkii Milan muddo joogi jirey, waayo Milan waa arrin xasaasi ah.” ayuu daba dhigay Gattuso oo hadda ah macallinka SSC Napoli.

Hadalsame Media