Maraykanka oo wada qorshe uu qalab ciidan ku siinayo Somalia & qorshaha ka dambeeya

0

(Washington, DC) 10 Sebt 2020 – Maraykanka ayaa shalay Muqdisho kulan kula yeeshay MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo, waxaana kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka isla markaana ay ka qayb galeen Safaaradda Maraykanka, Wasaarad Dibadeedka dalkaasi iyo saraakiil ka socda Bentagon, gaar ahaan kuwa AFRICOM, kasoo baxaya xogo kala duwan.

Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu wado qorsho cusub oo uu kaga masayrsan yahay Turkiga iyo Qadar oo uu dareensan yahay inay saamayn tiisa ka badan ku leeyihiin Somalia.

Maraykanka ayaa doonaya inuu diyaariyo ciidamo dheeraad ah ah oo ku biira kuwa Danab ee uu isagu tababaray, kuwaasoo uu siinayo ilaa 100 gaari oo iskugu jira kuwa rakaabka qaada iyo kuwa fudud ee dagaalka, sida lagu qoray African Intelligence.

Danjiraha Maraykanka ee Muqdisho, Donald Yamamoto, ayaa horay u sheegay in dalkiisu uu si gaar ah isha ugu hayo dalka Somalia oo uu qiray inay sidoo kale ku loollamayaan Shiinaha, Ruushka iyo dalal kale oo fara badan, maadaama ay leedahay khayraad badan.

Somalia ayaa sidoo kale ah dal ay la degtey siyaasad xumo, musuq iyo dhaqamo dib u socod ah oo aan waxba u tarin dalka iyo dadka, taasoo sahlaysa in la farageliyo, iyadoo ay siyaasiyiinta qaarkood si muuqata u dalbadaan in dalka la farageliyo.

Hadalsame Media