”Lacag hanala siiyo!” – Israel oo shuruudo yaab leh ku xirtey in Imaaraadka laga iibiyo dayuuradaha F-35 (Shuruud kale oo la fahmi la’yahay)

0

(Tel Aviv) 10 Sebt 2020 – Warqaadka Israeliga eeYedioth Ahronoth ayaa daboolka ka qaaday in Tel Aviv ay magdhow lacag ah  ka dalbatay Maraykanka haddiiba uu Imaaraadka ka iibinayo dayuuradaha  F-35.

Wargayska ayaa sheegay in geed fadhiga amaanka Israel ay lacag dalbadeen waxaa sidoo kale dalabkooda ka mid ah in xilliga hubkaa Imaaraadka la siinayo sanad lasoo hormariyo, iyagoo aan shaacinin sababta ka dambaysa.

Israel ayaa dareensan in uu si kastaba dhici doono hubka laga iibinayo Imaaraadka, tiiyoo ay diiddan yihiin, balse ma doonayaan inay halkaa ku haraan oo waxay adeegsanayaan cadaadisyo badan iyada oo heshiiska la horgaynayo labada aqal ee Koongarayska oo ay saamayn wayn ku leeyihiin.

Warqaadka New York Times, ayaa qoray in RW Benjamin Netanyahu uu shakhsiyan ogolaaday in dayuuradaha F-35 laga iibiyo Imaaraadka, waloow uu taa ka horjeestey markii uu shacbiga hor yimid.

Dadka ayaa la yaabban tillaabada Israel oo xiriir la samaysatay Imaaraadka 13-kii Agoosto, kaasoo uu u kala dab qaaday MW Donald Trump oo heshiiska ku dhawaaqay, waxaana heshiiska hubka la siinayo Imaaraadka sidoo kale ka mid ah dayuuradaha EA-18G Growler iyo dayuuradaha dagaal danabeedka oo awood u leh inay tashwiish ku furaan raadaarrada cadowga iyo hannaanada difaaca cirka.

Lama fahmi karo sababta ay Israel lacag ugu dalbanayso hub ay kala iibsanayaan laba dal oo kale, oo ay weliba sheeganayso inay labadaba heshiis la tahay, balse arrinta aysan la gabanin ayaa ah inay mar walba doonayso inay tayo ahaan ka sarreeyso ciidanka Carabta iyo Muslimiinta.

EA-18G Growler

Hadalsame Media