Jaamacadda Carabta oo bahdishey Falastiiniyiinta & saxaafadda Israel oo ku diganaysa (Maxaa dhacay?)

0

(Qaahira) 10 Sebt 2020 – Warbaahinta Israel ayaa wada qoreeysa war digasho ku ah Falastiiniyiinta kaddib markii ay Jaamacadda Carabtu diideen inay soo saaraan hal qaraar oo ay wateen kaasoo lagu cambaarayn lahaa xiriirka Imaaraadka iyo Israel.

TV-yada dalkaasi ayaa aad u faafinaya warkan, waxaa sidoo kale qoraya warqaadyada ugu caansan Israel sida Times of Israel, Haaretz iyo Jerusalem Post.

“Kaddib dood 5-saacadood ah, qaar ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabtu waxay diideen inay cambaareeyaan Imaaraadka,” ayuu yiri Muhannad al-Aklouk oo ah Wakiilka Maamulka Falastiin ee JC oo la hadlay Ma’an News.

Hussam Zaki oo ah sarkaal ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in “lasoo bandhigay qaraarro badan oo ay kasoo horjeedaan kuwo kale, taasoo gaartey inay markii dambe Falastiiniyiintu la laabtaan qaraarkoodii iyagoo ka baqay in la meel mariyo isagoo ka daciifsan sidii ay doonayeen.”

Falastiiniyiinta ayaa isla markii heshiiskan la gaareyba cambaareeyey bartamihii bishii Agoosto, iyadoo ninka Falastiin ugu qaybsan wada xaajoodyada ee Saeb Erekat uu Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ka codsaday inuu cambaareeyo ama uu is casilo.

Dalal badan oo Carbeed oo ay ugu horreeyaan kuwa Khaliijka ayaa sidoo kale la sheegay inay Falastiiniyiinta ku cadaadinayaan inay aqbalaan heshiis qoor qabad ah oo ay la galaan Israel, kaasoo aan ka tarjumayn danohooda.

Waxaa sidoo kale soo baxday in ay miisaaniyaddii ka goosteen dhowr dal oo Khaliijka ah, iyadoo ay tani tahay musmaarkii ugu dambeeyey ee lagu dhuftay naxashka la geliyey qaddiyadda Falastiin.

Hadalsame Media