Dekedda Beyruut oo uu dab ka kacay & cabsi lasoo deristey dadwaynaha (Daawo)

0

(Beyruut) 10 Sebt 2020 – Waxa dab ka bilowday dekedda magaalada Beyruut kaasoo cabsi badan geliyey dadka caasimadda ku nool oo xusuustay qaraxii ay ku dhinteen dad badan 200 oo qofood, bishii hore.

Ciidamada Lugta Lubnaan ayaa sheegay in dabku uu ka bilowday hooso lagu kaydiyo saliidda iyo taayarrada oo ku taalla qaybta Suuqa Xorta ah ee dekedda.

Qof goobjoog ah ayaa Al Jazeera u sheegay inuu arkay dad ka cararaya dabka oo hawada ku butaaciyey kubad wayn oo uuro iyo holac ah.

Waxay sidoo kale aragtay gawaari ka kala wareegaysa xaafadda Mar Mikhail, oo uu awalba aad u burburiyey qaraxii 4-tii Agoosto oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 6,500 isla markaana ay boqollaal kun ku guryo beeleen.

Shaqaalaha dekedda ayaa sheegay inuu dabku dhashay jeer ay socdeen howlo dekedda looga sifeeynayo haraaga qaraxii horraantii bishii tagtay, iyadoo durba loo yeerey dab-damiska oo ay qaraxii hore qaar badani uga dhinteen balse aan loo sheegin waxa dabku ka dhashay, sida uu sheegay Michel Murr,  oo u warramay Al Jazeera.

10 dab-damiye ayaa ku dhintay qaraxii afartii Agoosto kaddib markii ay u yimaadeen inay damiyaan dab mar 2-aad qarxay oo kaashanaya 3,000 oo ah maadada aadka u qaraxda ee ammonium nitrate oo dekedda ugu kaydsanayd qaab aan lahayn hab-raac amaan ah.

Halkan daawo…

Hadalsame Media