Agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia oo kashifay howl ay gabeen DF, hay’adaha gaarka ah

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2020 – Agaasimihii Madaxtooyada Qaranka, Md Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) ayaa ka dhawaajiyey meel ay ka aradan tahay Somalia balse aysan la’aanteed biyeheeda ka dhergin doonin.

Fuursade oo dhowaan xilka iska casiley ayaa iftiimiyey in Somalia oo uu Ilaahay ku mannaystay khayraad dabiici ah oo fara badan aysan lahayn khayraad dad oo uga faa’iideeya.

”Mid ka mid ah hantida salka u ah kobaca dhaqaale ee dunida maanta waa “Human Capital.” Hantidaasi ma ahan qalab ama dhismo ee waa aqoonta,” ayuu yiri Dr Fuursade.

”Xirfadda & kartida dadka Waa lama huraan in hay’adaha dawliga ah & shirkadaha gaarka ee dalka maalgeliyaan hantidaas si dalka & iyaguba u kobcaan.” ayuu soo jeediyey.

Nasiib darro, siyaasadda Soomaalida ayaa inta badan diiradda saarta jagooyin qallalan oo loo caabudayo qaab qabyaaladaysan, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin 30 sano kursi ku fadhiya ama xildhibaan ah oo hal saacad oo qura ka hadli kara wax ay umadda u qabteen, sidaa darteed, barnaamijyada horumarinta dadka iyo kaabayaasha dalku inta badan ma aha mawaadiicda diiradda la saaro, waana eed saaran qof kasta oo madax noqday.

Hadalsame Media