Maraykanka oo maanta la shiraya MW Farmaajo (Muxuu ka damacsan yahay amaanka Somalia?)

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2020 – Waxaa la sheegayaa inay haatan kulan gaar ah leeyihiin MW Somalia, Md Farmaajo iyo Dowladda Maraykanka oo ku shirsan Garoonka Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo aan horay loo shaacinin, isla markaana ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa waxaa Madaxwaynaha la socda ninka kala taliya arrimaha doorashooyinka, halka Maraykanku uu ka kooban yahay wufuud ka socda Wasaarad Dibadeedka dalkaas iyo Safaaradda Muqdisho, sidoo kale waxaa wefdiga Maraykanka ku jira ciidamo millateri ah oo ka socda Taliska AFRICOM ee Afrika.

Kulankan oo aanay ka marnayn arrimaha siyaasadeed ee dalka sida doorashada moodalkeeda iyo marka laga qabanayo lagu murmayo, ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku jirto isbeddel uu Maraykanku doonayo in lagu sameeyo hannaanka amaan ee Somalia, kaasoo ay xalay ka dhawaajisay Safaaradda dalkaasi ee Muqdisho.

Wararka aannu heleeyno ayaa sheegaya in Maraykanku uu doonayo inuu gacan ka gaysto tababarka iyo qalabayn heer dhexe ah oo loo sameeyo Ciidamada Xoogga Dalka (SNA), balse uu doonayo damaanad iyo dhishibiliin uu sidoo kale wehliyo qorshe siyaasadeed oo hufan oo loo sameeyo hannaanka amaan ee DF Somalia, iyadoo ay marar badan dhacaan musuq lagu sameeyo saanadda ciidamada iyo darajooyin ciidan oo la iskaga taxo saraakiil aan la ogayn waxa ay ku mutaysteen oo ay qaarkood jeneraallo iska xiran yihiin, iyagoo aan abid hal dagaal hoggaamin ama aan lahayn meerito kale ama aan ciidamada ku jirin muddo jeneraal lagu noqdo.

Maraykanka ayaa diyaariyey ciidamada Danab ee isaga inta badan la howlgala, wuxuu sidoo kale horay u sameeyey kuwii Alpha Group ama Gaashaan oo ay kala dirtay Xukuumadda haatan xilka haysa.

Hadalsame Media