“Dadka qaar ayaa sidii Atlas aaminsan inay adduunka dusha ku sidaan” – Waare oo ka hadlay mowqifkooda ku aaddan shirkii Dhuusamareeb 3

0

(Baydhabo) 09 Sebt 2020 – MW Shirshabeelle, Md Maxamed Cabdi Waare, ayaa isaga oo ku sugan shirka Baydhabo ay ku leeyihiin ka hadlay arrimo dhowr ah sida mowqifkooda shirka Muqdisho, kulankii ay odayaasha Muqdisho u qabteen MW Puntland iyo Jubbaland iwm.

Waare oo ay Baydhabo ku wehliyaan MW KG, Md Cabdicasiis Laftagareen iyo MW Galmudug, Md Cabdikariin Qoorqoor ayaa dhaliilay shirkii Muqdisho ay ku qabteen siyaasiyiin uu ugu horreeyey Cali Mahdi iyo rag mucaaradka DF u badnaa.

“Waxaa la waydiiyey waxyaabo aysan waxba ka gelin sida Nadaafadda, Raysal Wasaare iwm, balse waxay ahayd in la waydiiyo 13-kii Senatar ee Gobolka Banaadir oo ay diideen,” ayuu yiri Waare.

Wuxuu kaloo ka eed sheegtay sida ay Deni iyo Madoobe uga maqnaadeen Shirkii Dhuusamareeb 3 oo uu sheegay inaysan keenin qiil macquul ah oo ay shirka u qaadaceen.

Wuxuu mar uu ka hadlayey mowqifkooda uu intaa raaciyey in ay weli taallo gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay sidaa darteed iyada weli ka dhur sugayaan haddii ay dhinacyada kale ogolaadaan.

Wuxuu sheegay inay mas’uuliyaddu u wada taallo dhamaan madaxda oo aanu jirin nin ay gooni u saaran tahay, isagoo ku kaftamay inay ragga qaar u dhaqmayaan sida Atlas oo ah nin ku jira sheeko xariirooyinka Giriigga oo aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culayska caalamka oo idil.

Hadalsame Media