”Talyaanigu waxayba nooga dheereeyeen ciyaartii Dutch-ka” – Macallinka Holland oo amaan kala dul dhacay Azzurri + Sawirro

0

(Amesterdam) 08 Sebt 2020 – Macallinka Netherlands, Dwight Lodeweges, ayaa amaan kala dul dhacay xulka Talyaaniga kaddib markii ay gool madi ah oo uu madaxa ku saxiixay Nicolò Barella ay 1-0 ugasoo adkeen Amsterdam xalay fiidkii.

“Waxaa naga badiyey xul aad u wanaagsan oo caawa nala dheeley kubaddii Dutch-ka, weliba si aad uga wanaagsan sida aan u dheelno,” ayuu Lodeweges oo KMG ihi u sheegay uefa.com.

“In uu kaa badiyo xul wayn baashaal ma aha, balse waa cashar wanaagsan oo aan baranay si aannu dhowr tillaabo horay ugu qaadno.” ayuu raaciyey.

Lodeweges ayaa xilka si KMG ah ula wareegey kaddib markii uu Ronald Koeman qabtay kooxda Barcelona, isagoo Talyaaniga ku amaanay inay qaadeen ‘jid taatiko ahaan la mid ah’ midka Dutch-ka oo ah dalka hindisey waxa loo yaqaanno ”Total Football”.

Xulka Azzurri oo metela Talyaaniga oo ah meesha iyadana lagu allifey kubadda difaaca ku dhisan ee ”Il Cattenaccio” ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey dheelayey ciyaar weerar iyo kubad haysi ku dhisan kaddib markii uu 60 sano kaddib ka haran Koobka Adduunka, isagoo kaalinta koowaad uga soo baxay Isreebreebka Euro 2020 oo dib ugu dhacay xagaaga soo socda, haddana hoggaaminaya Guruubkiisa UEFA Nations League.

Hadalsame Media