Maraykanka oo ballan qaaday inuu taageerayo isbedel lagu sameeyo hannaanka ciidamada Somalia

0

(Muqdisho) 08 Sebt 2020 – Mareykanka ayaa ballan qaaday inuu taageereyo dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Somalia, isagoo tilmaamay in ay taas oo qur ihi ay mustaqbal ifaya u birbirin karto Somalia.

War rasmi ah kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in in tooxsi iyo musuq ay la degeen hay’aadka amaanka dalka, sida lagu qoray bogga Twitter-ka Safaaradda.

“Safaaradda Mareykanka ee Somalia waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga si ay mustaqbal ifaya ugu horseeddo dhamaan Somalia,” ayuu ku bilaabmayaa qoraalku.

”Musuqmaasuq iyo nin tooxsi ayaa wiiqaya horumarka isbedellada, waxayna haragdaamaynayaan amniga shacabka Somalia, waxayna xoojinayaan cadowga Somalia,” ayaa la daba dhigay.

DF Somalia ee kala dambeeyey ayaan weli ku guulaysan inay ciidan buuxa dhisaan, iyadoo marar badan aanu jirin rabitaan siyaasadeed halka uu aad u hooseeyaan kalsoonida iyo wacyiga umadda ee ku aaddan muhiimadda ciidamada.

Hadalsame Media