Wixii shalay waa fadeexad iyo dhaawacid amaan qarane ma ahayn “natiijo imtixaan” (Qormo cilmiyaysan)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2020 – Imtixaan ka fiican calaamadihiisa waxaa kamid ah in uu ardada kala saaro oo uu si maangal ah ugu kala qaybiyo calaamadaha kala duwan A,B …F…

Sida caadiga ah na waa in ay ardadu dhexda u badan yihiin, labada gees ee A iyo F na ay ku yar yihiin, haddii ay A du badato ama F tu badato cillad ayaa jirta u baahan in laga radiyo meelo dhowr ah oo la isla yaqaan no.

Sidaa darteed, wixii ay muujisay natiijadii ka soo baxday imtixaankii fasal ka 12 aad ee shahaadiga ah waa fadeexo, mana ahayn in la siidaayo wax noocaa ah, iska dhaaf in loo qabto shir jaraa’id oo lagu xarragoonayo eh, laakiin marka ay arrintu tahay jaantaa rogan iyo reer bo’ow yaa ku leh waa iska sidaa.

Waa arrin khatar wayn ku ah amniga waddanka oo awalba iska liitay, 8550 oo kamid ah 33,727oo kaliya ayaa la yiri way dhacday waana 25.35%. Dhanka kale 7873 oo ka mid Ardada Gobolka Banaadir oo ahayd 25449 ayaa la yiri way dhacday waana 30.93%, xaggee ayay aadi dadkaasu, adduunka kale dadka dhaca oo intaasi aad uga yar meelo ay aadaan oo ay si caadi ah ugu gudbi karaan ayaa jirta.

Dhibaatada kale ee wayn ee ay arrintani keeni karto waa in ay dadku sii nacaan dowladnimada, in ay ka niyad jabaan waxbarashada aan kuu caddaalad samaynaynin oo ay go’aan kaa gaarasyo cid aan ogayn waxa laga soo maray in maantaa heerkan la soo gaaro, cid aan wax kuu dhigin, cid aan macallimiintaada iyo maamulkaaga mushaar iyo tababar mid na siinaynin.

Ma maqlin in ay arrintaasi xaalad dagdag ah soo rogtay oo loo qabtay kulamo dagdag ah oo heerar kala duwan ah, aniga fahankayga waa mid kamid ah khataraha ugu waawayn ee inagu dhacay, laakiin iyaga fahamkooda yeelkiisa iyaga ayaa og.

Waxaa Qoray: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media