”Somalia waxay asaaska u dhigaysaa u guuritaanka dhijitaalka waana dhaaftay Kenya!” – Businessdailyafrica

0

(Nairobi) 07 Sebt 2020 – Somalia waxay leedahay internet-ka ugu rakhiisan ee mobiilla guud ahaan qaaradda Afrika, iyada oo caalamka oo idilna 7-aad ka gashay, iyadoo sidoo buska uga tagtay dersaanteeda oo ay ku jirto Kenya, sida ku cad daraasad uu qorayo Businessdailyafrica.

Dalkan Geeska Afrika oo sanado badan loo arkayey mid fashilmay oo ay dagaallo la hareen, wuxuu asaaska u dhigayaa u guuritaankiisa caalamka dhijitaalka ah, isagoo xuf ku dhaafaya dalal badan, sida ku cad daraasad ay samaysay hay’adda British-ka ah ee Tiknolojiyadda iyo Daraasaadka ee Cable oo 2020 qiimaysay inta ay 1 GB oo internet ah iibiyaan 228 dal oo dunida ah.

“Somalia waa dalka ugu rakhiisan Afrika iyadoo 1GB la iibiyo lacag u dhiganta Sh53 oo lacagta Kenya ah, waxayna 7-aad uga jirtaa caalamka. Bariga Afrika waxaa kusoo xigta Tanzania oo iibisa Sh78 halkii GB,” ayay warbixintu sheegaysaa.

Abdiaziz Duwane Issak, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta DF Somalia ayaa sheegay in qiimaha yar qayb ahaan wax laga saari karo sida ay u qaabeeyeen sharciyaynta Waaxda Isgaarsiinta, sida uu yiri.

Arrintan ayaa timid kaddib markii la sameeyey qaab lagu furayo in suuqa lagu tartamo taasoo keentay inay qancinta macaamiisha ku tartamaan shirkaduhu, sida ku cad daraasad la sameeyey 3-dii ilaa 25-kii Febraayo.

Kenya, oo muddo lagu naanaysi jirey ‘Silicon Savannah’ ayaa iyadu qaaradda Afrika ka gashay 9-aad, halka ay caalamka uga jirto kaalinta 41-aad, waxaana sidaa uga tegey dalka Somalia, sida uu dhigayo Businessdailyafrica.

Hadalsame Media