Natiijada Imtixaan-dugsiyeedka 2019/20 waxaa ka muuqata marin habaabin xisaabeed (Falanqayn)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2020 – Sida aan la soconno shalay waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanada dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020. Waxaa jirta in siyaabo kala duwan loo fasiray oo laga taxliiliyay dhinacyo badan natiijada iyo sida ay u kala heleen ardayda Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada iyo maamul goboleedyada.

Qaababka looga falceliyay waa ay kala duwanayeen, qaar waxay ka eegeen tirada ardayda ee ku dhacday sanadkaan oo ay u arkaan in ay aad u badantahay, halka qaar kalena ay su’aalo ka keeneen sida gobol gaar ah ugu natiijo wanaagsanaan karo gobol kale. Inta badan waxaa la is dul-istaagay natiijada gobolka Benaadir oo loo fasiray qaab fashil wayn inuu kajiro, maadaama sida la sheegay 90% tirada guud ee imtixaanka ku dhacday ay katimid dhinacooda.

Bal haddaba aan isla fiirinno in aan si kale u dhigi karno natiijada iyo akhrinteeda, inkastoo arday kasta oo dhaca ay tahay in wax la iska weydiiyo maadaama uu yahay mustaqbalkii ummadda, haddana waxaan u baahannhay in aan noqonno waaqici oo aan ku sallayno dooddeena xaqiiqda dhabta ah. Aduunku inta badan wuu qaadaa imtixaanka guud ee heer qaran ah, wayna dhacdaa in 25% aysan u gudbin heerka sare, ha noqoto dusiga sare ama jaamacad. Weliba waa mid la filan karo natiijadaan, maadaama uu dalka galay manhaj bedelis iyo dib u habayn ”reform”. Waxaa muuqata in sanadkaan 75% ardaydii gashay imtixaanka ay ku baaseen, waane guul wayn oo ay mudantahay in lasii dhiirigeliyo. Haa, way jiraan caqabado badan iyo dib u dhac wayn oo naga haysta maaraynta iyo tayo u yeelidda waxbarashada dalka. Laakiin waa shaqo qof kasta oo somaali ah sugeysa sidii uu ugu gacan gaysan lahaa.

Dhinaca kale, natiijada gobolka Benaadir ilama aha in dad qaar ay si sax ah u taxliiliyeen, sideedaba wax laguma qiyaaso akhrinta nambarka boqolayda (%) oo kaliya. Waxaa muhiim ah in nambarka boqolayada (%) akhrintiisa loo eego tirada guud ee laga duulay, inta aan la samaynin is-barbardhig. Tusaale, markii loo fiiriyo inta uu bogolkii (%) Benaadir ardaydiisa ka yihiin tirada guud waa maangal in ay 90% ka noqdaan tirada guud ee dhacday. Maxaa yeelay, tirada guud ee ardayda gashay sanadkaan imtixaanka ayayba ka yihiin ku dhowaad 80%, micnaha tirada guud ee gashay imtixaanka 8000 oo arday oo kaliya ayaan ahayn gobolka Benaadir. Marka, in lala barbardhigo gobol ay 1000 arday kasoo galeen imtixaanka waa marin habaabin xisaabeed.

Waxaan kusoo gunaanadayaa in aanan lagu degdegin isbarbardhig aanan laga fiirsanin oo xisaab ahaan qalad ah, bal laga doodo sidii loo hormarin lahaa waxbarashada oo loo tayayn lahaa.

Dhamaan ardaydii gashay imtixaanka iyo macallimiintooda waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale waxaan bogaadinayaa maamulada dugsiyada ee ubadkeena u diyaariyay fursadahaan waxbarasho.

Inj. Maxamud Xassan Cumar – Waxa uu ka tirsan yahay MSC Educational Management

Hadalsame Media