MW Xigeenka Kenya oo looga ”dhaartay” dayuuradihii qaadi jirey & gelitaanka xarumaha dowladda

0

(Nairobi) 07 Sebt 2020 – MW Xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa maamuus ahaan xaq u leh inuu helo ilaalo millateri iyo booliis ah, sidoo kale waa inuu ku safraa dayuuradaha Dowladda Kenya gaar ahaan kuwa ciidanka ee caadiga ah iyo kuwa qumaatiga u duula.

Tan iyo markii uu Mombasa aadey 28-kii Agoosto laba arrimood ayaa soo daahirtay; Koow, wuxuu raacay dayuurad rakaab siddey oo ay leedahay Kenya Airways, iyo laba, wuxuu habeenkii seexday hoteel gaar ah, kaddib markii loo diidey Madaxtooyada iyo dhismayaasha Dowladda.

Ma jirin wax dayuurad ciidan ah oo u qaadday magaalo xeebeedka ama kusoo celisey Nairobi sida dhaqanku yahay, taasoo muujisay sida loo tusayo inaan loo baahnayn, waloow uu isna tusay inuusan taa bareeg u qabanin una cabanin oo uu ka socday, sida uu sheegay Mr Caleb Kositany, oo ah Xildhibaan metela Soy.

Waxaa markale Sabtigii dhacday in Mr Ruto laga ag waayo ciidamada, balse lama oga in loo diidey iyo inuu isagu sidaa doortay, wlaoow ay dadka ku dhow dhowi ay Sunday Nation shalay u sheegeen inuu isagu doortay inuu ku safrto dayuuradaha dadwaynaha.

Afhayeenkiisa Emmanuel Talam ayaa sheegay MWX Ruto uu “ku qanacsan yahay booskiisa, ay dadku u dhiibeen labadii doorasho ee ugu dambeeyey”.

MUXUU DHIGAYAA MAAMUUSKA KENYA?

MW Xigeenka oo ku dhacaya khaanadda VVIP (Very Very Important Person) ayuu maamuusku si cad u dhigayaa in loo dalbo qaybta millateriga ugu qaybsan qaaditaanka iyo ilaalinta madaxda sare oo markaa u diyaariya waxa ay u baahan yihiin, gaar ahaan dayuuradaha.

Kaddib waxay ciidamada xooggu la xiriirayaan garoonka uu ka duuli rabo si loogu sameeyo nidaamin gaar ah, waxaa sidoo kale lala xiriirayaa Madaxa Adeegga Dadwaynaha (Head of Public Service), si loo diyaariyo kharashaadka safarka Madaxda.

Hadalsame Media