Imaaraadka & Israel oo ka wada shaqaynaya qorshe ay Masar balaayiin doollar ku waayi doonto (Tubbo qarsoodi ah oo ay isla dhiseen Israel & Iran oo…)

0

(Tel Aviv) 07 Sebt 2020 – Heshiiska cusub ee Israel iyo Imaaraadka ayaa soo noolayn kara tubbo shidaal oo ay 1960-meeyadii si qarsoodi ah u wada dhiseen Israel iyo Iran, sida ku dhigan warqaadka Foreign Policy.

Waxaa tubbadan iska leh shirkadda Europe Asia Pipeline Company (EAPC) – waxayna dherersan tahay 158-mayl oo u dhexeeya Badda Dhexe iyo Badda Cas – waxaana loo adeegsan karaa in looga maarmo maraakiibta saliidda ee marta kanaalka Suways, taasoo ay sanadkii balaayiin lacag ah ka hesho Dowladda Masar, iyadoo ay Israel u muuqato mid aad ugu danaysanaysa Imaaraadka.

“Waxay tubbadani furaysaa fursado badan oo aan awal jirin,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee shirkadda EAPC, Izik Levi, oo la hadlay Foreign Policy.

Foreign Policy ayaa qoray in heshiiskani uu si wayn ugu faa’iidaynayo Israel iyada oo maraakiibta waawayn (super tankers) ee shidaalka qaada ee ka iman lahaa Azerbaijan iyo Kazakhstan balse aan mari karin Kanaalka Suways ay meesha ka baxaan, taas biddaalkeedana ay tubbadani kasoo dhacayso magaalada Ashkelon oo ku taalla xeebta Badda Dhexe ee dhanka Israel.

Marka halkaa la keeno ayaa haamo waawayn lagu rogayaa, waxaana markiiba kasii qaadaya tubbooyin ama maraakiib dhex dhexaad ah oo gaynaya Eilat oo ku taalla Gacanka Caqabada oo dhanka kale ka mara jasiirad u ekaha Siinaay, si loogu dhoofiyo Shiinaha, Koonfurta Kuuriya iyo Aasiyada Fog, iyada oo la sii marsiinayo ee kasoo wareegi lahaa Baab Al Mandab iyo Badda Cas.

Dalalka Khaliijka ee haatan Israel la heshiinaya ayaa sidoo kale laga dhaadhicinayaa inay saliidooda ku socota Bariga Fog jidkan marsiiyaan, taasoo jalinaysa dalka Masar.

Tubadan EAPC oo la dhisay 1968-kii ayay markii hore asal ahaan 50-50 u kala lahaayeen Iran iyo Israel, balse waxay wax kasta is bedeleen markii uu 1979-kii dalkaa ka curtay kacaankii Islaamiga ahaa oo ay labada dal safaaradihii kala qaateen, balse tubbadan ayaa qarsoodi ahayd.

“Wax kasta waxay ahaayeen sir qaran, xitaa dhanka ay saliiddu u qulqulayso,” ayuu yiri Leehee Goldenberg, oo ah qarreen degaanka u dooda oo 2016-kii la hadlay Financial Times.

Hadalsame Media