”DUUFAANTII BADDA DHEXE”: Ciidamada Turkiga oo dhoollatus ka bilaabay meel u muuqata Giriigga & xiisad oogan + Sawirro

0

(Qubrus) 07 Sebt 2020 – Ciidamada Turkiga ayaa shalay bilaabay dhoollatus sanadle ah oo ay ku qabtaan Jamhuuriyadda Turkiga ee Woqooyiga Qubrus – oo ah dowlad ay aqoonsan tahay Ankara – xilli ay sii laba laxaadsanayso xiisadda ka dhex taagan iyaga iyo Giriigga.

Turkey oo saliid iyo gaas ka baaraya dhul ay sheeganayaan Giriiggu ayaa aad u xumeeyey xiriirka labada dal oo ku wada jira NATO.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii ay ciidanka Turkigu bilaabeen dhoollatuskan oo la magac baxay “Duufaantii Badda Dhexe” iyadoo ay ka qayb qaadanayaan Qubrusiyiinta Turkish-ka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa Twitter-ka ku sheegtay in dhoollatuskan oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamada dhulka, badda iyo cirku oo socon doona ilaa Khamiista uu ku bilowday si “guuleed”.

Jasiiradda Qubrus oo ay sidoo kale isku hayaan labada dal ee Giriigga iyo Turkiga ayaa u kala qaybsan Qubrusiyiinta Giriigga Koonfure oo xubin ka ah Midowga Yurub iyo Qubrusiyiinta Turkish-ka woqooyi.

Hadalsame Media