Doorashada Madaxtinnimada ee 2021 oo laga yaabo in la marin habaabiyo (Yaa arrintaa ku lug yeelan kara?)

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2020 – Inkasta oo doorashada Soomaaliya laga yeeshay fadhiyo badan, meel wanaagsanna ay wax marayaan, weli lagama gaarin heshiis kama dambeys ah oo shacabka lala wadaagay.

Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Axsaabta iyo murashixiintooda ayaad mooddaa in midba uu mid kale iska jiro ama uu heshiis ka doonayo.

Wadaxaajoodku wuxuu iigu muuqdaa in uu ku kooban yahay arrimo Soomaalida dhexdeeda ah. Annaga ayaa is arki og, laakiin inta doorashada ka fekereysaa keligeen ma aha.

Kama hadlayo in kharashka ku baxaya dibad laga raadiyo iyo in AMISOM lala kaashado in ay qori ku daafacaan goobaha cod bixinta ee Koofurta iyo bartamaha qaarkood.

Dalka dunida ugu cudud weyn xag militeri, dhaqaale iyo teknooloji ayaa isagana doorasho ku soo fool leedahay. Baqdin ayuu ka muujinayaa in doorashadiisa ay Dowlado kale faraha la soo galaan.

Saamynta laga dhawaajiyay oo la yiri waa laga baqdin qabaa oo dhowr dawoladood lagu tuhmayo in ay yaqaannaan adeegsadaanna, waxaa ka mid ah marin habaabin loo maro saxaafadda siiba baraha bulshada.

Doorashooyin dalal kale ka dhacay ayaa la leeyahay waxaa lagu sumeeyay been iyo buunbuunin sida duufaan u socda oo baraha bulshada loo adeegsanayo.

Xataa waxaa la sheegayaa in bannaanbax taageero ah iyo mid ka soo horjeeda oo isku goob ka dhacaya lagu abaabulay baraha bulshada oo magacyo been ah sita. Bannaanbaxyadiina dad run ahi isugu soo baxay.

Soomaaliya waxay leedahay cadow ka leh dano gurracan. Waxaa kale oo ay leedahay saaxiibbo iyaga laftooda qaarkood ay wataan dano u gaar ah.

Annaga oo doorashadeenna la qiyaasayo in ay dhowdahay, yaa qaabbilsan ammaanka aan qori lagu difaaci karin ee doorashada? Sideese been loo xakameeyaa iyada oo aan xorriyadda qowlka lagu xad gudbin?

Cudud aqooneed iyo mid dhaqaale meel ay na dhigaanba, ma tahay in aan ka feejignaanno oo ay arrintani wadahadalka qeyb ka ahaato?

Su’aalahani jawaab kaagama baahna haddii aad ka mid tahay inta isku halleyneysa in Dowladaha danaha ka leh Soomaaliya, uu damiirkoodu celiyo oo uu u sheego in aanay isku dayin, in ay jiheeyaan doorashada Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media