”33727 arday x ugu yaraan min 6 maaddo oo noqonaysa 202362 ma lagu sixi karaa 40 maalmood?” – Baaritaan deg deg ah oo lagu baaqay

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2020Professor Xassan Sheekh ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in 8550 oo arday ay dhacaan, taasoo ka dhigan in 1/4 ay dheceen, isagoo taas ku tilmaamay mid luminaysa kalsoonidii lagu qabey Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda.

Wuxuu soo jeediyey in MW Farmaajo ay waajib ku tahay in uu fahmo xasaasiyadda arrintan oo uu guddi baara u saaro sida arrintan oo uu dulduleel badan oo farsamo ka muuqdo loo falkiyey.

Arday dhan 33727 warqadood, 114 iskuul oo lagu qaadayna wuxuu soo jeediyey in la wada baaro, sidoo kale wuxuu ku baaqay in dib u qiimayn lagu sameeyo imtixaankii ardayda laga qaaday laftiisa sida in loo dhigay waxa lagu imtixaanay.

Waxaa dheer in loo baahan yahay in la hubiyo in imtixaanka la qaaday ay ardayda u dhigeen macallimiintii ehelka u ahayd aqoontana u lahayd. In la baaro in ay ardaydu heleen bay’o iyo fursad ku filan oo ay wax ku fahmaan.

MID AAN SUURTAGAL AHAYN? 33727 arday oo midka ugu yari uu galay 6 imtixaan, weliba marka aad loo yareeyo tirsada, waxay tirada guud ka dhigaysaa 202362 warqadood, sidaa darteed ma dhici karto in 40 maalmood lagu wada soxo, sida uu sheegay Prof. oo laftiisu 30 sano ka badan macallin ahaa.

Sidaa darteed, waxaa waajib ah inay DF khaladkeeda qirato oo arrintan dib loogu noqdo, lana soxo waxa khaldan, dadka waxan ku taliyeyna umadda laga qabto, maadaama ay arrintani dileeyso fursadaha qaran dhisidda, isla markaana ay Dowladdu la timaado siyaasad waxbarashado oo sidan ka hufan.

Hadalsame Media