Maxaa kala qabsaday Ruushka & dayuurado Maraykan ah oo tijaabinayey awoodda raadeerkiisa + Sawirro

0

(Moscow) 06 Sebt 2020 – Ruushka ayaa 8 miig deg deg u kiciyey si ay hawada uga qabtaan dayuurado kuwa wax duqeeya ah oo ay Maraykanku leeyihiin taasoo kusoo dhowaatey Crimea oo ay Ruushku beri dhowayd ka xig-goosteen dalka Ukraine.

Raadaarka hawada Ruushka ayaa ogaadey inay hawadooda soo galeen 3 dayuuradood oo ah kuwa leh awoodda nukliyeerka ee sameeya duqaymaha istaraatijiga ah ee ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykanka ee B-52H Jimcihii, sida kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka.

Waxaa markiiba la kiciyey 8 dayuuradood (4 Su-27 iyo 4 Su-30), kuwaasoo dayuuradaha Maraykanka oo Ukraine soo dul maray u sheegay inay dhaqse uga baxaan hawada Ruushka markii ay yimaadeen hawada Crimea.

“Xadgudub ay diyaarado Maraykan ihi kusoo sameeyeen hawada Ruushka ayaa laga hor tegey,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Moscow.

Dayuuradahan ayaa la fahamsan yahay inay xambaarsanaayeen qorshe ballaaran oo ah inay tijaabiyaan inay raadaarradda Ruushka iyo hannaanka daafaca cirka ee dalkaasi ay ka shaqaynayaan hawada Crimea oo uu Ruushku xig-goostay Maarso 2014-kii.

Waxaa dayuuradahan la socdey kuwo kale oo basaas ah oo Maraykan iyo Ingiriis ah iyo maraakiib taagnayd Badda Black Sea.

Hadalsame Media