Maraykanka oo qarka u saaran dagaal sokeeye & malliishiyaad caddaan & madow ah oo iska hor yimid (Daawo)

0

(Louisville) 06 Sebt 2020 – Boqollaal dibad bexe oo ka kala socda kooxo kala duwan oo isir ahaan isu diiddan ayaa iskugu soo baxay magaalada Louisville, Kentucky, iyadoo ay maliishiyaadka madowga ah ee NFAC ay isku sigteen kuwo caddaan ah oo isku tilmaamay ”Wadaniyiinta.”

Ilaa 200 oo xubnood oo ka tirsan maliishiyada Isbahaysiga aan Dheelin (Not F**king Around Coalition (NFAC), ayaa iyaga oo aad u hubaysan shalay iskugu soo baxay magaalada Louisville, iyagoo markiiba tegey Churchill Downs, halkaasoo ay jilibka dhulka dhigeen si ay u muujiyaan diidmadooda ku aaddan cadaalad darrada cunsuriyadda ku dhisan ee dalkaasi.

Isla shalay mar sii yara horreeysey, 250-xubnood oo ah kooxda  “Patriots” ayaa iyaguna soo maray faras magaalaha iyaga oo sita hub kala duwan kuna qaylinaya “USA!” iyo “Taageer buluugga,” isagoo sheegay inay qadyaan ka taagan yihiin qaska iyo foowdada ka socota Maraykanka guud ahaan, gaar ahaan Louisville.

Meel u dhow Jefferson Square Park, waxay kooxdan la baxday “Wadaniyiintu” la kulmeen dibed baxayaal madow ah (BLM), balse waloow iyada oo aanu Booliisku joogin muddo la isu booteeyey oo la isku qayliyey misna wax gacan ka hadal ihi a dhicin oo koox kasta waa is xakameysay, waxaana markii dambe goobta soo gaarey Booliiska oo dhinacyada kala waday.

Maraykanka ayaa hadda kahor galay dagaal sokeeye 1860-kii, kaasoo salka ku hayey cunsuriyadda lafteeda oo sanadihii dambe kasii dartay siyaasad iyo hoggaan xumada Donald Trump darteed.

Hadalsame Media