Axmed Madoobe oo muujiyey inuu ku baraarugsan yahay arrin uu ka ilduufay MW Farmaajo

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2020 – Waxaa beryahanba magaalada Muqdisho ku sugnaa MW Puntland iyo Jubbaland, Md Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Labada nin ayaa Muqdisho u yimid kulan la doonayo in looga hadlo nooca Doorashada 2021, kaddib markii ay labada nin diideen inay ka qayb galaan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay tageen ilaa 4 maamul.

Axmed Madoobe oo maanta la hadlay senatarrada Aqalka Sare ayaa ka dhawaajiyey arrin la doonayey inuu ku baraarugsanaado WM Qaranka si aan sawir khaldan looga bixin.

Waloow aan si toos ah qabyaalad loo oran karin marka la eego in Jubbaland uu yahay gobol ay Soomaalidu wada deggan tahay, misna Axmed Madoobe ayaa muujiyey inuu akhrin karo caqliyadda Soomaalida oo ay qaar badani dhanka xun wax ka eegayaan, gaar ahaan xilli ay waajib tahay in la daweeyo niyadda umadda oo kasoo daashey dagaallo iyo khilaafyo maalaa yacni ah.

“Waxaan idhi hadii shalay Dhuusamareeb shirkii ahaa diidmadu ay ahayd niman baa ka maqan, in aan hadana anaga oo saddex ah intaan shirno hadhow aad na xamataan oo tidhaahdaan aryaa day saddexdii qoyska ahayd baa hada wax shiraysee, masiirka iyaga maa ka talinaaya, warkaasi war kale waaye,,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

”Taas inaan shir intaan galno saddexdayadu komunikee soo saarro nooca doorashada ka soo hadallo, warqad kale aan soo saarraa waxay macno tiraysaa nooca shirku yahay iyo imaatinkayagii iyo waxaba”. ayuu daba dhigay.

DF Somalia ayaa waxaa waajib ka saaran yahay inay ilaaliso midnimada dalka, iyada oo ay dad badani shux shux marar badan ka muujiyeen inay DF maamullada ka aqbasho hab-dhaqan si khaldan loo fasiri karo ama qoonsi keeni kara, taasoo muujinaysa baraarugsanaan la’aanta madaxda sare.

Hadalsame Media

Facebook Comments