Turkiga oo dhisay jid lagu sheegay ”midka ugu casrisan” dalkaasi & adeegyada uu leeyahay + Sawirro

0

(Ankara) 05 Sebt 2020 – Jid wayne uu dhererkiisu gaarayo 330-km (205-mayl) oo caasimadda Ankara ku xiraya gobolka dhexe ee Niğde laguna naanayso jidka “ugu qurxoon” dalka Turkiga ayaa waxaa shalay xarigga ka jaray MW Recep Tayyip Erdoğan.

Jidkan oo adeegsanaya tiknolojiyadda casriga ah ayaa darawallada si hordhac ah loo ogaysiinayaa duruufaha soo kordha ee keeni kara halis amaan sida shil, saaldo, xayiraad iwm, inta ay jidka ku joogaan.

Waxaa jidka ku dhinac yaalla kaabayaal kale sida 1.3 milyan mitir (4.27 milyan cagood) oo ah internet badeedka Fiber Optics, sidoo kale waxaa uu leeyahay 500 oo ah qalabka wax lagu ogaado, 9 meelood oo saadaasha hawada ah, 208 kaamiro oo shilalka sheega, 335 saldhig oo ah agab is wada oo gaadiidka maareeya iyo 687 server oo wax gudbiya ama sawira.

Jidka Ankara-Niğde ayaa dhereran 330 km oo ay ku jiraan 275 oo ah jid waynaha laftiisa iyo 55 km oo ah isgoysyo iyo buundooyin uu uga xirmayo jidad kale.

Wuxuu jidkani ku dhowaad kala bar soo dhimayaa masaafadii ay isku jireen labada gobol ee uu haatan isku xirayo oo awal ahayd 4 saacadood iyo 14 daqiiqadood, balse haatan kusoo koobantay 2 saacadood iyo 22 daqiiqadood.

Mashruuca jidkan lagu dhisay ayaa sidoo kale Ankara ku xiri doona gobollada Mersin, Adana, Gaziantep, Hatay iyo Şanlıurfa iyadoo ay dadka u biiri doonto 12.551 milyan oo liitar (3.316 milyan oo galaan) oo shidaal ah sanadkii.

Dowladda Turkiga ayaa ilaa 200 waxay mashaariicda kaabayaasha jidadka oo qura ku khasirtay lacag dhan TL 767.5 bilyan oo Liiraha Turkiga ah ($103.20 bilyan oo doollar).

Hadalsame Media