Siyaasiyiinta Soomaalidu waa 3 nooc oo uu hal nooc ugu sii badan yahay

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2020 – Siyaasiyiinta soomaalidu waa saddex jaad: mid cunto ah, ku dawo ah, iyo mid sun iyo waabay ah. Ka cuntada ahi waa ka mar kasta taladiisa iyo hoggaamintiisa loo baahan yahay, ee ummadda anfaca.

Ka dawada ahina waa ka marka dhibaato timaado wax caymiya, ee xalka keena. Ka sunta ama waabayda ahina waa ka bulshada isku dira, kala dilla, ee kala irdheeya.

Siyaasiyiinteenna nooca koowaad wuu ku yaraan jiray, oo kow iyo laba waa la odhan karaayay, haddeed se lagu ma ogga, oo siyaasi kaalintaa ku jiraa ma jiro, hadduu jirona ma muuqdo.

Kuwa labaad ee daawada ahina way jireen, iminka se waa ku qaliil oo dhawr kama badna.

Nooca saddexaad baa se siyaasiyiinteennu abidkoodba u badnaayeen, iminkana u sii badan yihiin.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media