MW Maraykanka oo loo sameeynayo dayuurad guuxeeda ka dheereeysa & naqshaddii oo lasoo gudbiyey + Sawirro

0

(Washington, DC) 05 Sebt 2020 – Pentagon ayaa soo bandhigay naqshadda dayuuradda cusun ee MW Maraykanka ee Air Force One oo laakiin noqon doonta mid 2 jeer guuxeeda ka dheeraysa.

The Air Force ayaa Exosonic oo ah sharikad dhanka hawada ah 24-bilood qandaraas ku siisay inay diyaariso dayuurad 70-kursi leh oo ku duuli karta xawaare ku dhowaad 2 jeer guuxiisa ka dheereeya (Mach 1.8).

Waxay taasi ka dhigan tahay inay aragti ahaan dayuuraddani saacaddii jari karto masaafo dhan 1,380 mayl, sida ku qoran webka shirkadda oo qandaraaska la siiyey Isniintii..

Exosonic ayaa si gaar ah ugu xil saaran inay hufto qodobbo ay ka mid yihiin awoodda, cufka, dhinacyada, hannaanka isgaarsiinta, naqshadda gudaha iwm, sida uu Taliska Dhexe ee Ciidamada Cirka Maraykanku u sheegay Military.com.

Dayuurad guuxeeda ka dheereeysa oo rakaab ah waxaa ugu dambaysey Concorde oo ay adeegsan jireen Air France iyo British Airways, taasoo la fariisiyey 24-kii Oktoobar 2003-dii kaddib shil ay gashay

Hadalsame Media

Facebook Comments