(Muqdisho) 05 Sebt 2020 – Guddoonkii hore ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, ayaa MW Puntland ee Siciid Deni ku eedeeyey inuu Muqdisho u joogo fulinta danaha Imaaraadka.
“Madaxweyne Deni uma joogo Muqdisho dano umadda Somaliyeed ama reer Puntland leeyihiin, ee wuxuu halkaas u joogaa sidii u carqaladayn lahaa heshiiska la gaaray iyo inuu ilaaliyo danaha Imaaraadka,” ayuu yiri Dhoobo oo wareysi siiyay hilinka Somali Cable.
Deni ayaa intii uu xilka hayey diidayey wax kasta oo ay waddo DF isaga oo Imaaraadka oo Somalia faragelin ku haya ka ogolaaday inuu sii joogo Puntland oo aanu wax muuqda ka qaban Dekedda Boosaaso oo dib u dhac ka muuqdo.
Guddoonkii hore ee Bsarlamanka Puntland oo xilka looga tuuray mooshin muran badan dhaliyey oo sharci darro lagu tilmaamay 7-dii Nofeembar ee sanadkii tegey, ayaa had iyo goor dhaliila siyaasadda Deni.
Dhoobo Daareed ayaa saxaafadda horey uga sheegay in Deni lacag laaluush ah ku bixiyey in xildhibaanadu ay si sharci darro ah isaga ku ridaan, isla markaana uu sidoo kalena amray masuulna ka ahaa iska hor imaadkii ka dhacay xarunta Baarlamanka saacaddo kahor inta aan la ridin.