”Madasha Xisbiyada oo daaqadda ka tuurtay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay horay u taageereen (Maxaa dhacay kahor inta aysan mowqifkooda bedelin?)

0

(Muqdisho) 05 Sebt 2020 – Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa War Saxafaadeed kasoo baxay waxay ku muujiyeen inay ka laabteen taageeradii Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay horay u taageereen.

Waxay Madashu haatan DF ka dalbanaysaa in la ballaariyo kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la yeelanayo Puntland iyo Jubbaland oo xitaa iyaga iyo xisbiyada kale lagu soo daro, waloow aysan si gaar ah carrabka ugu ballaarin waxa laga yeelayo maamullada maqan.

“Madashu waxay u aragtaa in kulankan uu yahay fursad qaali ah oo looga heshiiyo hannaanka doorasahada dalka ee 2020/2021, sidaas awgeed waxay Madashu ku talinaysaa in si waafi ah looga farabuuxsado talada iyo go’aannada kasoo baxaya shirka, lagana fogaado in dalka iyo dadkaba la galiyo jahwareer siyaasadeed,” ayaa luu u dhignaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madasha.

“Madashu waxay ku baaqaysaa in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casumo hoggaanka ururada Bulshada rayidka ah iyo xisbiyada sayaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf,” ayay yiraahdeen iyaga oo magacaabay dadka ay doonayaan in shirka lagu soo biiriyo.

Madasha ayaa si toos ah u dalbatay in meeshaba laga saaro qodobbo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ku sheegeen kuwo aan cadaynayn oo ay ku tilmaameen “qodobbo aan la jaanqaadi karin in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo”, waxay sidoo kale ka digeen heshiis kasta oo muddo kororsi ah.

“Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) iyagoo ka amba qaadaya marxaladda dalku uu marayo iyo sooyaalkii siyaasadeed, waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasuusineysaa inuu garab maray dhaqankii Dawliga ahaa ee 20-kii nano ee lasoo dhaafay oo ahaa in muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabo Raysul Wasaare, taasoo ka dhigan inuusan Madaxweynuhu wali si dhab ah u wajihin xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo.” ayay ku dhaliileen MW Farmaajo.

Mowqifkan cusub ee Madasha ayaa yimi saacado uun kaddib markii ay hoggaanka Madashu kulamo la qaateen Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo haatan Muqdisho ku sugan.

Hadalsame Media