(Addis Ababa) 05 Sebt 2020 – Itoobiya oo ah dal deris la ah Somalia isla markaana maamusha gobolka Soomaali Galbeed ayaa ku socota siyaasad ka qoto dheer kana qaraamisan midda Soomaalida oo iska dhisan qiiro sahlan iyo qabyaalad aan xitaa la is waydiinin qalalaasaha iyo qaxarka ka dhasha maalin walba.
Waxaa sheekadan soo socota sheeko gaaban ka qoray weriye Xasan Haybe oo goobjoog u ahaa maalintii ay dhacaysey isaga oo xilligaa arday ka ahaa Jaamacad ku taalla Addis Ababa.
”Madaxweynihii hore ee Itoobiya Negasso Gidada oo arday kula hadlaya magaalada Addis Ababa ayaa si lama filaan ah u yidhi sideed u aragtaan in Itoobiya ay madax bannaani siiso Deegaanka Soomaalida?,” ayuu ku bilaabay.
Qaar badan oo dhallinyarada Soomaaliyeed ah tuulo heblaayo anagaa leh ayuu hankoodu joogaa, asaaggoodna sidaas ayay u fikirayaan.
Gidada wuxuu geeriyoodey 27-kii Abriil 2019-kii.
Han yaridu dawo ma leedahay?
FG: Waxaa han yarida ka mid ah in gobolka Soomaalida oo qur ihi uu yahay midka qura ee gudihiisa uu ka taagan yahay khilaaf qabyaaladaysan iyada oo xitaa la isku haysto magacii gobolka la siin lahaa.
Hadalsame Media