”Waxba iguma lihidin!” – Xaaladda oo sii murugtey & Leo Messi oo War Saxaafadeed soo saaray

0

(Barcelona) 04 Sebt 2020 – Waxaa aad usii qasantay xaaladda dagaalka sharci ee u dhexeeya kooxda Barca oo uu u hiilliyey maamulka La Liga iyo laacibka Leo Messi oo ay wararka qaar sheegayaan inay dhici karto inuu iska joogo si uu u dhamaysto qandaraaskiisa oo uu sanad qur ihi ka haray, si uu Jannaayo ula hadlo ciddii uu doono, kaddib markii lagu xujeeyey inuu bixiyo 700m oo euro oo qandaraaskiisa ku shuruudaysan.

Yeelkeede, War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wakiilkiisa Dr Jorge Horacio Messi ayaa lagu sheegay in aanay ansax ahayn shuruudda ku xiran qandaraaska Messi, iyagoo soo qaatay labadan qodob:

1. Markii aannu lafa gurnay tibxaha heshiiska waxaa noosoo baxday in aanay shuruuddaasi anax ahayn, haddii lacalla uu laacibku kaligii go’aansado inuu iska tago marka la gaaro fasal-ciyaareedka 2019/20.

2. Taasi waxay muujinaysaa inay La Lila ku jirto khalad cad mase naqaan nooca qandaraas ee ay soo eegeen 8.2.3.6.
“Magdhow dhaqaale ka ratibmi mayso haddii uu laacibku go’aansado in uu kooxda ka tago marka la gaaro 2019-20”.

Arrintan ayaa xaaladda sii murjinaysa, iyada oo ay dad waxgarad ihi ay Messi kula taliyeen inuu iska dhamaysto sanadkiisa, halka Barca lafteeda loo sheegay in maadaama uu laacibku yahay halyeey kooxda soo maray koobab badanna ka caawiyey aysan ku talax tegin dagaalkiisa oo ay shidayaan maamulka La Liga oo malaayiin doollar wayn doona haddii uu ka tago horyaalkooda.

Hadalsame Media